U bood dhigaalka

Dowladda Ciraaq Oo Sheegtay In Daacish Degdeg Uga Saarayaan Guud Ahaan Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq  Haider al-Abadi ayaa sheegay in kooxda Daacish ay si deg deg ah uga saaridoonaan guud ahaan dalka Ciraaq kadib markii ciidamada Ciraaq ay gacanta ku dhigeen magaaladda Ramadi oo ay mucaaradku heysteen.

Qudbad uu ka jeediyey Talafishinka ayaa Mr. Abdi ku sheegay in dowladda Ciraaq ay wacad ku martay sidii ay si dhaqsa ah u qaban la heyd magaladda Mosul oo ay iminka maamulaan Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Qabsashada magaalada Ramadi waxaa soo dhaweyey dowladda Mareykanka oo sheegatay in qabsashada magaladan in ay horseedi doonto In laga saaro magaalooyin kale.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka  John Kerry, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay la kulantay guul darooyin waa weyn.

Ciidamada Dowladda Ciraaq ayaa dadaal culus u soo galay sidii ay gacanta ugu dhigi la heyeen magaladda Ramadi oo 90 km dhanka galbeed ka xigta magalada caasimada ah ee Baghgdad.

Sawirro laga soo qaaday magaladda Ramadi ayaa muujiyey ciidamada oo kor u qaadaya calanka dalka Ciraaq kana dul taagay  xarunta dowladda ee magaalada Ramadi.

Afhayeen  u hadlay dowladda oo lagu magacaabo  Gen Yahya Rasul ayaa qabsashada magaalada ku tilmamay wadadii guusha.

Illaa iyo hadda dowladda  Ciraaq kama hadlin qasaaraha soo gaaray ciidamadda dowladda kadib dagaalka ay lagaleen Daacish.

Magaladda Ramadi waxaa wali ka socda qaraxyo ay geysanayaan kooxdu inkastoo dowladdu ay sheeganeyso guullo waa weyn oo ay dagaalka ka soo hoysay.

Goobjoog News