U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah Oo Aqalka Sare U Soo Jawaabtey, Guddi 4 Wasiir Ka Kooban Ayaa Ku Jira

Sheeko:Dalka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka heleen jawaabo ku aadan siddii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda dowlad goboleedyada Dalka.

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimahaasi, waxaana guddoonka Aqalka Sare uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay  farrimaha ku aadan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Aqalka sare u gudbiyey guddi uu u magacaabay ka shaqeynta xalinta tabashooyinka Dowlada Goboleedyada, kaasi oo la shaqeyn doona Golaha Aqalka Sare.

Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka kooban ilaa 4 xubnood ayaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS, iyaddoo ay sidoo kale xubno ay ka yihiin Wasiiradda  Dastuurka, Maaliyadda iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyey Jawaabta ay ka siiyeen siddii Xal loogu heli lahaa is afgaran waaga u dhaxeeya Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyadda.

“Waxaan marka hore mahad u  celineynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo nasoo siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno, waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno siddii dalkeenu u gaari lahaa Nabad, Wadashaqeyn iyo Midnimo” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka sare.

Guddiga Ay Dowladda Magacawday

Goobjoog News