U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah oo Guddi u Saartay Fatahaadda Baladweyn

Sheeko:Dalka, War

Dowladda federaalka ah ayaa maanta guddi gurmad ah u saartay  fatahaadaha  magaalada Baladweyne ee xarunta gobalaka Hiiraan, halkaas oo Wabiga Shabeelle uu ka geystay fatahaado saameeyay inta badan ee magaalada.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnoon ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay is kugu yimaadeen wasiirada xukuumadda federaalka, waxaana guddiigaan guddoomiye u ah wasiirka gargaarka xukuumadda federaalka Xamse Siciid.

Guddigaan ayaa waxaa ku jira dhowr wasiir oo ka tirsan Xukuumadda federaalka ah, waxaana la filaayaa in ay gaaraan dhawaan Baladweyne si ay u soo qiimeeyaan xaalada fatahaadda ee uu geystay Wabiga Shabeelle.

Waxaana kamid xubna la magacaabay.

1-Fowsiyo Abiikar Nuur,, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya

2-Maxamed Abuukar Islow Ducaalle,  Wasiirka Amniga

3-Fowsiyo Maxamed Sheekh, Wasiirka korontada iyo biyaha

4-Saciid Xuseen Ciid,  Wasiirka Beeraha

5-Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada

6-Jamaal Maxamed Xasan,  Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya

7-Maxamed Cabdi xayir Maareye, Wasiirka Warfaafinta

8-Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga

9-Xamze Siciid Xamze

Goobjoog News