U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah Oo Ka Tacsiyeysay Dhacdadii Bariire, Guddi Baaritaanna U Saartay

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Avv. Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalad Muqdisho waxaa uu ka hadlay shirar caasimadda ka socday saacadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ku saabsanaa dhacdadii dadka rayidka ah lagu dilay ee Bariire.

Mudane Avv. Mahdi Axmed waxaa uu ku bilaabay “Illaa xalay howl culus ayaa socotay, oo waxaan ku jinay shirar, waxaa sidoo kale shiray guddiga amniga”.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxaa uu intaa raaciyay in uu tacsi u dirayo qoyskii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay dhacdaduu Bariire.

Ra’isul wasaarae ku-xigeenka Avv. Mahdi AxmedGuuleed (Khadar) waxaa uu Saxaafadda u sheegay in la gaaray go’aanno 3 ah:

  1. In guddig heer wasiir ah loo saaro baaritaanka dhacadii Bariire ee August 25, 2017.
  2. In guddiga uu horkici doono wasiirka amniga Xil. Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayna xubno ka yihiin taliyaha booliiska, maxkamadda Xeer ilaalinta, wasiirudowlaha howlahah guud Qoor-qoor.
  3. In baaritaankooda oo si hufan ku dhacay ay madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaare Khayre  soo hordhigaan 5 maalmood gudahood.

Ra’isul wasaare Avv. Mahdi Axmed waxaa uu dadka dhintay ilahey uga baryey in uu u naxariisto, Janadana ka waraabiyo.

Goobjoog News