U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah Oo La Wareegtay Astaanta Qaran Ee dot SO

Sheeko:Dalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy’ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Agaasimihii hore ee SONIC, Mudane C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas’uuliyaddana ku wareejiyey Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas’uuliyaddaas ku soo celiyo Dawladda.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.

Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska qeyb iyo goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Mudane Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay, markaas oo la saxiixay is-afgarad hordhac ah oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada.

“Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay” ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur oo sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo aan munaasabadda joogin oo hawshan gacan weyn ka geystay. Wuxuu kale bogaadiyay shaqaalihii iyo maamulkii hore ee SONIC oo uu ugu horreeyo Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.

Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa’iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.

Goobjoog News