U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah: Shaqaalaha Waa Fasax 3da Maalin Ee Soo Socota

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa hey’adaha gaarka ah la fasaxay 3da maalin ee soo socota.

Warqadda waxaa loo qoray sidan:

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shaqaalaha hey’adaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidul Fitriga 2 maalmood iyo hal maalin oo ah maalinta xuriyadda ee gobollada Waqooyi 25-26-27 June 2017 oo maalinta 26 June loo soo raray maalinta Talaadada.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha L. 11 Qod. 30aad, farqada 2aad iyo xeerka shaqada(Labour Code 65) ee soo baxay 18/10/1972dii, qodobkiisa 86aad Faqradiisa(b) in ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalmahaas.

Goobjoog News