U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka iyo Galmudug Oo Gaalkacyo Ku Kulmay Ayaa Dhaliilay Puntland

Sheeko:Dalka

Kulankaani maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka kala tirsan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug, masuuliyiin ka tirsan Galmudug, odayaal dhaqan iyo waxgarad.

Intii uu socday kulanka ayaa si weyn waxaa looga hadlay hadallo dhowaan ka soo yeerayay maamulka Puntland, kuwaasoo lagu sheegay inay yihiin hadallo been abuur ah islamarkaana ay dhalin karaan colaad hor leh oo ay wajahaan reer Mudug.

Ganacsade Soomaaliyeed oo reer Galmudug ah oo ka qeyb galay sidoo kale kulankaan maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa beeniyay inuu kamid ahaa dadkii ku dhintay duqeyntii duleedka Gaalkacyo islamarkaana Puntland ay ku sheegtay inuu yahay Alshabaab.

“Waxaan halkaan u nimid war maalin dhoweyd ay Puntland sheegtay in aniga aan ku jiray dadkii la duqeeyay ee duleedka Gaalkacyo, arrintaas waxay daba joogtaa xarig hadda ka hor Puntland ii geysatay balse baaritaan kadib aan xoriyaddayda helay, anigu waxaan ahay ganacsade Soomaaliyeed oo reer Galmudug ah mana ahi ALshabaab” ayuu yiri Ganacsade Cabdirisaaq Xuseen Tahliil.

Dhanka kale, waxgaradkii ka qeyb galay kulankani ayaa ku dheeraaday ka hadalka hadallada Puntland oo ay ku sheegeen inay yihiin kuwa laga leeyahay dano gaar ah.

“Waxaan kulankaan u qabannay warar been abuur ah oo mararka qaarkood ahna dadkayagii lagu laayay oo ay ku jiraan ciidankii maamulka oo ay ku jiraan qeyb Federaalka ah, rag nool oo ay Puntland sheegtay inay duqeyntii ku dishay, dadka ganacsatada ah ee siyaasadda colaadeed lagu dabaqayo Puntland waxaan u sheegeynaa in Alshabaab aynaan wax xiriir ah naga dhaxeyn, waxaana idin kaga digeynaa inaad joojisaan borobogaanka sababay in dadkayagii la duqeeyay” ayay yiraahdeen odayaashii iyo waxgaradkii ka qeyb galay kulanka.

Ugu dambeyn waxaa madasha kulankaan ka hadlay xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac Qalabxoor oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in Puntland ay waddo faafinta warar been abuur ah.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in Puntland hadallada ka soo yeeraya ay colaado cusub ka abuuri karaan gobolka Mudug iyo magaalo madaxdiisa ee Gaalkacyo.

Goobjoog News