U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Si Wadajir Ah Uga Faa’ideysanaya Kheyraadka Dalka

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta heshiis ku gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo ku saabsan is faham siyaasadeed ku aadan in laga wada faa’ideysto kheyraadka dalka.

Wasiirka wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in heshiiskaani uu qorayo in lasoo magacaabo guddi muddo 7 cisho ah gudahooda, guddigaasina ay bil gudaheeda kasoo shaqeeyaan qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka.

“Heshiiskani waa mid horudhac ah oo la rabo in la gaaro is faham siyaasadeed oo ku aadan qaabkii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Dalka, Soomaaliya waa wadan la filayo inay ku jiraan kheyraad fara badan, ha noqoto shidaal, iyo macdan, marka in dowladda dhexe iyo maamullada hadda jira ay ka wada hadlaan qaabkii looga faa’ideysan lahaa, Dastuurka ayaa qoraya in dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada ka wada hadlaan arrimahaan, howshaan waxaan soo billawnay muddo dhowr bil kahor ah, annaga oo ka wasaarad ahaan tagnay magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Baydhaba, ulajeedada waxay tahay in la billaabo wada hadal, kaasi oo aas aas u noqonaya Dastuurka hadhow la sameynayo is faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa kheyraadka, hadii aysan dhicin in la wada hadlo waxaa suurta gal ah inuu abuuro colaad, annaga oo ka hortageyno colaadaas ayaa waxaan ugu tala galnay inaan ka wada hadalno, ka wada hadalkaasi uu noo hogaamiyo heshiis, heshiiskaasina loo bedalo sharci, sharcigaasina noqdno kan Soomaali ay ku dhaqmi doonto”

“Heshiiskani waxa uu qorayaa in la sameeyo guddi muddo 7 cisho ah gudahooda, guddigaasina ay kasoo shaqeeyaan muddo Bil ah gudahooda qaabkii loo maareyn lahaa, loona maamuli lahaa shidaalka, taasina ay furo u noqoto qaabkii Soomaaliya kheyraadkeeda uga faa’ideysan lahayd, wasaaradda Batroolka iyo macdanta ayaa fududeynaysa waxyaabaha loo baahdo inta howshaan socoto, ulajeedaduna waa in is faham laga gaaro dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada”

“Waxay soo magacaabanayaan maamullada dadkii kaga qeybgali lahaa wada hadalkaan, dowladda dhexe iyo dadkaas ayaa ka wada shaqeyn doona is faham buuxa oo la gaaro, wax walba oo kheyraadka quseeyo waxay noqonayaan in laga wada hadlo, sidee laga yeelaa heshiisyadii hore, sidee laga yeelaa kheyraadka aan wada wadaageyno, waxaas oo dhan waxaa loo istaagayaa in isfaham la gaaro oo aanay noqon wax colaad cusub keena, annaga ulajeedadeen ayaa ah in aanay keenin colaad cusub oo qof walba yiraahdo anaa waxaas leh ama kaligeey ayaan qaadanayaan, in aan u tixgelin jiilka maanta joogo ee xitaa aan ka fikirno jiilka kale ee soo koraya, marka waa waxyaabaha aan rabno inaan is faham ka sameyno, aragti mideysan oo ku wajahan ka faa’ideysiga kheyraadka ayaan rabnaa” ayuu yiri Wasiirka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in heshiiskani uu wax badan ka bedali doono xiriirka dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada, sidoo kalena uu horseedi karo dhaqaalaha dalka oo kora.

Goobjoog News