U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Somaliland Oo Ka Wada Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wadanka Turkiga waxaa la filayaa inuu ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo arrimo badan oo ku aadan maamulka Hawada Soomaaliyeed, kaasi oo dowladda Turkiga soo qaban qaabisay.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo shirkaan ayaa ah qaabka hawada Soomaaliya loo maamuli lahaa, waana shir Afar gees ah oo ay isugu imaanayaan dowladda Federaalka, maamulka Somaliland, xubno ka socda dowladda Turkiga oo shirkaasi qabanqaabisay iyo sidoo kale hay’adda Qaramada Midoobay ee gacanta ku haysan hawada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan dib uga laaban doonin go’aankooda oo ah in magaalada Muqdisho aan laga dhigin halka laga maamulayo Hawada Soomaaliya.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah wasiirka Duulista hawada Somaliland ayaa sheegay in Seddax xal oo kaliya ay halkaasi la tagayaan, islamarkaana wax soo afareeya aanay qaadan doonin, kuwaa oo kala ah:-

  • In Hawada laga maamulo magaalada Hargeysa
  • In Hawada maamulka loo kala qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi
  • In Qaramada Midoobay ay sii maamusho hawada Soomaaliya

Wasiir Maxamuud ayaa Ugu dambeyn  sheegay in go’aan walba oo ka duwan Seddaxdaasi qodob aysan qaadan doonin, islamarkaana mowqifkooda uu sidaasi yahay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa 12-kii bishan October garoonka Aadan Cadde ka dhegax dhigay taawarka laga hagi doono Hawada Soomaaliya, isaga oo sheegay in xarun middaan oo kale ahna laga dhisayo magaalada Hargeysa.

Hay’adda ICAO  ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysan tan iyo 1991-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Goobjoog News