U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo 1-Milyan Oo Doolar Ugu Yaboohday Dadka Abaartu Ku Hayso Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen guddiga ka kooban wasiirada ee dhinaca gurmadka abaaraha u qaabilsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Maxamed Aadan fargeeti oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay lacag dhan 1 Milyan oo doolar ay ugu deeqday dadka abaaraha ay ku hayso gobollada Koonfurta iyo waqooyiga dalka, wuxuuna sheegay in lacagtaasi sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi loogu gurman doono.

Waxa uu wasiirka ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney kaalin xooggan ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka walaalahooda ah ee aan haysan kaalmada bini’aadannimada.

“Anoo ku hadlaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu yaboohay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada abaartu gaartay Hal Milyan oo doolar taas oo ah hordhacii ugu horreeyay annaga oo eegayna daruufaha jira iyo tabarta dowladda waxaan rajeynaynaa in intaasi kaliya aysan ku koobnaan doonin, waxaan isku dayeeynaa inaan soo jiidanno caalamka si arrintaasi wax uga qabtaan, annagane intii tabarteena ah isku filnaano, marka waxaan rajeynaynaa in shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu saameysay, annagane insha Allah waxaan idiin soo gudbin doonnaa hadba xogta meesha ay mareyso, ganacsatada iyo ururada bulshada waa la shirnay waxaan isku afgarannay inaan loo fariisan arrintani” ayuu yiri wasiirka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Xidig ayaa isagana halkaasi ka sheegay in kaalmo walbo ay ka billaaban karto in qof walbo uu iska jaro waxa uu awoodo, waxaana uu sheegay inay tahay hubanti hadii dadku iyagu is caawiyaan oo gacmaha is qabsadaan in musiibo walbo oo dhacda kahor tagi karaan.

“Shaqaalaha dowladda, Xildhibaannada, golaha wasiirada, ganacsatada NGO-yada, dadka kale qof kastoo Soomaali ah waxaa waajib ka saaran yahay inuu dadkii u gurmado, waxaan waa barnaamij qaran, barnaamijka qarankana waxaa la rabaa in qof walbo oo Soomaali ah ka qeybqaato, howsha aan qaadaneyno waxay tahay in qof walbo uu qof waraabiyo ama maalin qado ah siiyo” ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa isna halkaasi waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay cid walbo oo Soomaaliyeed inay u istaagto wax u qabashada shacabka abaartu ku hayso gobollada dalka Soomaaliya.

“Sideynu wada ognahay dhibaatadii maanta oo laga sheekeynayey baad la’aan, biyo la’aan iyo cudur intaas oo dhan wadanku wey ka jirtaa, dowladda Soomaaliyeed wey ku mahadsan tahay gacantii u horreysay inay iyadu fidisay, waxaana leeyahay halkaasi kasii wada, ilaahay isagaa awood badan waxaan ka baryeeynaa in umaddaan uu usoo gargaaro, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata in gurmad ay u sameyso walaalaha abaartu hayso” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Ka sowokow lacagtaan 1-ka Milyan ee dowladda Federaalka ugu deeqday dadku abaartu ku hayso gobollada dalka waxaa kaloo jirta in dowladda Shiinaha ay 2 Milyan oo doolar iyana ugu yaboohday dadkaasi iyada oo sheegtay iney soo marsiin doonto hay’adaha Qaramada Midoobay ee arrimahaasi qaabilsan si shacabkaasi ay ugu gurmadaan.

Goobjoog News