U bood dhigaalka

Dowladda federaalka Oo Dardargelineysa Wadahadallada Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya aya sheegtay iney dar-dargelineyso wadahadalladii ay la lahaayen Somaliland.

Madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay u ballanqaadayaan madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargelinta wadahadalladii socday.

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa hakad galay kadib is faham waa Labada dhinac soo kala dhexgalay.

Goobjoog News