U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay Degmada Baardheere

Sheeko:Caafimaadka

Deeqdii ugu horreysay oo dawo ah oo ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Maxamed Xuseen Ganeey Madaxa mashaariicda iyo horumarinta maamulka degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News in deeqdani dawada ah aysan ku filnayn degmada balse ay kaalmo u  noqon karto dadka hadda sida weyn ugu baahan caafimaadka.

Wuxuu sheegay in deeqdii ugu horreysay ay tahay dawadani ka socota dowladda federaalka Soomaaliya taas oo lasoo gaarsiiyay degmada Baardheere.

“Dowladda Federaalka ayaa nasoo gaarsiisay deeqdii ugu horreysay ee dawo ah, mana ahan mid baahi tiri karta dawo la’aanta ka jirta degmada, laakiinse waa mid dhiig joojin noqon doonta, waana mid dhaanta la’aan, waana kaalmadii ugu horeysay ee nasoo gaarto, waxaana inoo soo dirtay wasaaradda caafimaadka” ayuu yiri Ganeey.

Baardheere ayaa kamid ah magaalooyinka dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM taas oo ay ka jirto xaalad nolol xumo.

Goobjoog News