U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo ka hadashay duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaarado aan la aqoon ay ka geysteen deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in diyaarado aan la garowsan dalalka laga leeyahay iyo nooca ay yihiin ay duqeymo la dhaceen deegaanka Shaw oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyay in ay beegsadeen deegaanno ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada milateriga dowladda ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Barre Cilmi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ujeedadii laga lahaa weerarkaasi laga gaaray.

Hoos ka dhageyso codka taliye Cabdullaahi Barre Cilmi: