U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay In Ay Jahwareerisay Shirka Cadaado

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay jahwareerisay shirka ka socda degmadaasi ee maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Siyaasigaan oo lagu magacaabo Maxamuud Guure Guuleed oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in muddo badan uu halkaasi ku sugan yahay, islamarkaana illaa iyo haatan aan howsha sidii loogu tala galay u socon.

Qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan degmadaasi ayuu sheegay in cabasho ay qabaan, islamarkaana ay sheegayaan in Odayaashii ay dirsadeen lagu bedalay kuwo kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda wey marin habaabisay shirkaan, hadii ay dhacdo in ay wax kasoo baxaanna waa wax aysan umaddu isku raacsaneyn, Odayaasha wey kala dhiman yihiin, ergadana ma dhameystirna, Odayaashii qaarkood waa la bedalay, beelihii badi waa kuwo aad u saluugsan shirka Cadaado ka socda, xitaa cabashada waxaa qaba beesha shirkaan marti gelisay” ayuu yiri Siyaasi Maxamuud Guure.

Dhinaca kale waxa uu sheegay siyaasigaan in shirka aysan u madax banaaneen dadka gobalada dhexe, islamarkaana dowladda Federaalka iyo gacmo kale ayuu sheegay in shirka ay faraha kula jiraan.

Goobjoog News