U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay In Ay Faragelin Ku Sameyso Dhibaatooyin Ka Jira Baladxaawo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in faragelin degdeg ah ay ku sameyso dhul boob iyo burburin ay sheegeen in dowladda Kenya ka wado halkaasi.

Nabadoon Cabdiweli Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa u sheegay Goobjoog News in dowladda Kenya ay guryaha ku duminayso dadka shacabka ah, iyadoo kasoo gudubtay xuduudeeda.

“Dowladda Kenya dhul boob ayeey wadaa, anaga ka shacab ahaan waan isku daynay inaan ka hor istaagno waayo xuduudii ayeey kasoo tallaabtay, waxaana ay burburiyeen guryahii, anaga ka shacab ahaan geeri ayaan ka xignaa, iyaga oo hub badan wata ayaan ka hortagnay” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoonkaan ayaa ugu baaqay dowladda in ay degdeg kusoo farageliso arrintaasi, sidoo kalena waxa uu sheegay in caalamka looga baahan yahay in ay arrintaan ay wax ka qabtaan.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ayaa dowladda Kenya waxa ay isku dayday in ay burburiso guryo ku yaalla degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo, hase ahaatee shacab badanayaa is hortaag ku sameeyay gaadiidkii burburinta damacsanaa.

Goobjoog News