U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay In Wada Hadal Ay Ka Dhex Billawdo Ahlu-sunna Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Daqare oo ku taqsusay maamulka iyo maareynta Hay’adaha aan dowliga ahayn, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay tagaan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si wada xaajood loola galo xubnaha Ahlu-sunna ee diidan Galmudug.

Waxa uu sheegay Aqoonyahanka in aan la dhayalsan karin garabka Ahlu-sunna ee dagaallada ku jira, waxaana uu sheegay in ay yihiin awood u baahan wada hadal in lagu xalliyo.

“Heshiiska waa wax wanaagsan, hase ahaatee waxaa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay xubno u dirto Dhuusamareeb iyo Guriceel, waa in xubnaha maqan aan la yareesan, waa awood xooggan una baahan in lala hadlo” ayuu yiri Daqare.

Sidoo kale Daqare ayaa sheegay in hadii ay suurta gashay in lala hadlo madaxdii Ahlu-sunna ay sahlan tahay in iyaguna wax laga dhaadhiciyo xubnaha kale ee Ahlu-sunna ah, islamarkaana sameystay maamulka Gobalada Dhexe.

“Aad bay u sahlan tahay in wax laga dhaadhicyo garabyada kale ee maqan, waayo waxaa lagu guuleystay in madaxdoodii lala hadlo, awood qeybsina loo ogolaaday, sidaa darteed dhibaato ma keeni doonto hadii kuwaan kalena lala hadlo” ayuu yiri Daqare.

Xubno ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug, ka dib markii ay sheegeen in aysan raali ka ahayn heshiis dhawaan lagu gaaray Cadaado, sidoo kale waxa ay xubnahaan sameysteen maamul ay sheegeen inuu ka arrimin doono gobalada Dhexe.

Goobjoog News