U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Dagaallada Puntland Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay faragaliso colaadda iyo xiisado dagaal oo ka taagan gobolka Sanaag kuwaas oo u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Ururrada Bulshada rayidka ah Puntland ayaa sheegay in aan xisaab lagu soo koobi karin dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaallada ka soconaya gobolka Sanaag oo u dhaxeeya maamullada deriska ah ee Puntland iyo Somaliland.

Afhayeenka bulshada rayidka ah ee Puntland Daahir Cumar Siyaad ayaa u sheegay Goobjoog FM in haddii dowladdu ay soo faragaliso dagaallada ka soconaya gobolkaasi isbedel uu dhici karayo.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay si degdeg ah wax kaga qabato colaaddani oo muddo halkaasi ka taagnayd.

“Dowladda kaalin weyn bay ka ciyaari kartaa inay damiso xiisadda gobolka Sanaag, waa in ay isku daydaa in wax badan ay arrintan ka qabato waayo shacabka dhibtu soo gaareyso iyadaa hoggaamisa” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhawaan dagaallo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, iyadoo weli xiisad ay jirto.

Goobjoog News