U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Maanta La Wareegeysa Maamulka Hawada Dalka

Sheeko:Dalka

Maanta oo kahmiis ah ayaa lagu wadaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegto maamulka hawada dalka, kadib markii la diyaariyey qalabkii lagula socon lahaa dhaq-dhaqaaqa hawada.

Qalabkaan oo ah mid casri ah ayaa lagu rakibay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana hadda ka howlgeli doono shaqaale ajaaniib iyo Soomaali isugu jira.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in diyaaradaha ay dhib badan ku qabeen qalabka lagu maamulo hawada ee yaallay Nairobi maadaama uu ahaa mid duug ah.

Maanta waxaa la qaban doonaa munaasabadda lagu daah furayo qalabkan cusub, waana markii ugu horreysay 27 sano kadib, magaalada Muqdisho laga xukumo hawada Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News