U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Keenaysa Maxaabiis Laga Soo Daayey Xabsiyada Liibiya

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay xabsiyada kasoo deyso maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya, kuwaasi oo aqbalay in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Cali  Saciid Fiqi, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaybtii Labaad oo ah maxaabiis laga soo daayey xabsiyada Liibiya ay dalka usoo ambabaxeen.

Dhallinyarada soo socota ayaa tiro ahaan lagu sheegay 13, waxay soo marayaan dalalka Tunis iyo Turkiga, iyaga maalinta Berri ah imaan doona magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, safiirka ayaa sheegay inay jiraan 48 dhallinyaro Soomaaliyeed ah kuwaasi oo is-qoray, isla markaana iyaguna Todobaadka soo socda dalka dib loogu soo celin doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dedaal badan oo ku saabsan sidii ay dib ugu soo celin lahayd dalka maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka qaarkood ku dhibaateysan.

Goobjoog News