U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Natiijo Horudhac Ah Kasoo Saartay Baaritaanka Qaraxii Ka Dhex Dhacay Diyaaradda Daallo

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa natiijo horudhac ah waxay kasoo saartay qaraxii Labadii bishaan ka dhex dhacay diyaaradda Daallo Airline xilli ay hawada ku jirtay.

Cali Axmed Jaamac Jangali oo ah wasiirka gaadiidka, cirka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya oo caawa saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaasi wixii ka dhex dhacay ahaa qarax loola eegtay si ula kac ah islamarkaana ciidanka amniga ay qabteen dad arrintaasi lagu tuhmayo.

Waxa uu sheegay wasiir Jangali in sidoo kale ay wadaan baaritaanno kale, islamarkaana ay dib kasoo shaacin doonaan natiijooyin kale.

Wasiirka ma aanu sheegin nooca uu yahay qaraxa ka dhex dhacay diyaaradda Daallo Airline.

Sidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyay in baaritaannada la sameeyay ay ka qeybqaateen qubaro Soomaali iyo kuwa Ajaaniib ah, islamarkaana lagu helay natiijadaan horudhaca ah.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaliyeed oo isna halkasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay aad u xoojiyeen amniga guud ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaradda Daallo ayaa Labadii bishaan waxaa ka dhex dhacay qarax illaa hadda noociisa aan la shaacin, iyadoo diyaaradda ay saarnaayeen in ka badan 70 qof oo rakaab ah , waxaana diyaaradda ay ka daloolsantay dhanka Midig xilli ay kusii jeeday Jabuuti.

Goobjoog News