U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo Raashiin Garsiisey Dadka Degmada Jalalaqsi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

HiiraanIllaa shan kun oo qoys oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa loo qeybiyey deeq raashiin ah oo ay halkaasi u dirtey dowladda federaalka ee Soomaaliya kadib xaalado nololeed oo xun oo soo foodsaaray dadkaasi.

Jalalaqsi oo ka mid ah magaalooyinka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa nabad illaalinta Afrika ee AMISOM ayaa intii mudo ah waxa ay ku jirtey go’doon iyo dagaalo, iyada oo ay magaalada isugu tageen dad badan oo barokacayaal ah iyo kuwa dhulka miyiga ka qaxay.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in raashiinka oo isugu jirey bur iyo sokor in la gaarsiiyey shan kun oo qoys, balse 15 kun oo kale aysan waxbo gaarin, isaga oo si weyn oga mahadceliyey gargaarka, balse codsaday in lasoo kordhiyo maadaamaa ay baahi badan jirto wali.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadka degmada ay u baahanyihiin dib u dajin iyo daryeel kale, maadaamaa buu yiri ay saameyn xun ku yeesheen dagaalada Hiiraan ka socda.

Sidoo kale nabadoon Cabdi Faarax oo ka mid ah odayaasha Jalalaqsi ayaa sheegey in wixii soo gaaray degmada si farsamo wanaagsan ah lagu qeybiyey “Balse dadka iyo deeqda ayaa kala badnaa” ayuu yiri nabadoonka.

Horey ayay dowladda Soomaaliya deeq raashiin ah u gaarsiisey degmada Jalalaqsi, markanina waa markii labaad.

Dhageyso

Goobjoog News