U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Wadda Qorshe Lagu Daabacayo Lacag Cusub

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe lacag cusub oo shilin Soomaali ah dalka loogu sameynayo, kaasi heer gabogabo ah maraya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Bashiir Ciise Cali oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadaal badan ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa lacag cusub oo shilin Soomaali ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in keenista laca cusub oo Soomaali ah ay qaadaneyso qarash aad u badan, iyo sidoo kale in laga fikiro in lacagtaasi aaney noqon mid la been abuuri karo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sameynta lacag cusub oo shilin Soomaali ah ay ku bixi doonto ugu yaraan lacag gaareysa 60 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dalal caalamka kamid ah ayuu sheegay iney kala kaashan doonaan arrintaan, islamarkaana shir ka dhici doona dalka Ingiriiska Bilaha April iyo May ay arrintaasi kusoo bandhigi doonaan.

Soomaaliya ayaa lacagta hadda ay haysato ah Kunka shilin Soomaaliga ah, iyadoo aanu jirin wax ka weyn ama ka yar Kunkaasi, waxaana intaasi sii sheer in isagiiba uu hadda gabaabsi yahay maadaama dowladda aaney lacag sameysan.

Goobjoog News