U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Maraykanka Oo Xaqiijiyey Dilka Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa xaqiijiyey geerida sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maraykanka kaa oo ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose habeenkii Khamiista ee lasoo dhaafay.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali Baashi ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, in ay howlgal ay fuliyeen Kumaandoosta Soomaaliya ku dileen Xasan Cali Dhoorre oo madax ka ahaa amniyaatka Xarakada Al-shabaab ayna la dhinteen dagaalyahanno kale oo Al-shabaab ah.

Hadal kasoo baxay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyey geerida sarkaalkan, waxaase la sheegay in ay wadaan baaritaanno kale oo ku aadan xaqiijinta dadka la geeriyooday sarkaalkaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaraddaasi ayaa sheegay in sarkaalkan la diley uu si toos ah ugu lug lahaa weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho oo qaarkood ay ku geeriyoodeen muwaadiniin Maraykan ah.

25-kii December 2014 weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna ku dhinteen askar AMISOM iyo muwaadiniin Maraykanka ah ayaa la sheegay inuu kaalin weyn ka qatay Xasan Cali Dhoore iyo sidoo kale weerar isna lagu qaaday 25-kii Maarso 2015 Hotelka Makka Al-mukarrama.

Sidoo kale Afhayeenkan ayaa sheegay inuu socdo qorsheyaal badan oo ku saabsan howlgallo kale oo ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News