U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Heshiiska Dekedda Berbera uu yahay Sharci Darro

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadlayso heshiiska dekedda Berbera ee u dhaxeeya DP World, Somaliland iyo Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskaas aysan dowladda Soomaaliya  ka qeyb-galin cid wakiil uga ahna in aysan jirin.

Haddaba Goobjoog News waxa ay u soo gudbineysaa Aqristiyaasheeda qodobada ay soo saartay wasaaradda sida tan ayuuna u qornaa.

  1. In Dowladda Fedaraalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiido shirkadda DP World.
  2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wada jira umadda Soomaaliyeed.
  3. In Habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka ku meel gaarka ah iyo sharuucda kale ee u yaalla Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Goobjoog News