U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhowaysay go'aankii ka soo baxay maamulka puntland

Sheeko:War

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya – ayna baahisay warbaahinta dowladda – ayaa lagu sheegey in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaqii ka soo baxay maamul goboleedka  Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo wax kasta oo tabasho ah.

War saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta mudane Mustaf sheekh Cali DHuxulow ayaa u qornaa sida tan:

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha lagu xaliyo mabda’a ah wada tashi iyo wada xaajood”

“iyadoo laga amba qaadayo ayay dowladdu  soo dhoweynaysaa wada hadalka ay ku baaqday dowlad goboleedka Puntland si  xal looga gaaro wixii  tabasho ah  ee jira” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowlada Federalka  Soomaaliya waxa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo  goor kasta iyadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeena xalisano.

Dowladu waxay qiraysaa in dowlad goboleedka Puntland ay ahmiyada wayn ugu fadhido dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya garowsan tahay mas’uuliyada ka saaran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo deganaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.