U bood dhigaalka

Dowladda Federalka oo Ka Hadashay Qaraxii Baydhabo Ka Dhacay

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Allah ha u Naxriistee Wasiirkii Cadaalada maamulka Koonfur Galbeed marxuum Sheekh Xasan Ibrahim (Lugbuur) oo maanta Salaadii Jimcaha lagu dilay magaalada Baydhabo.
“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur.
Alle ha unaxariisto Marxuumka, Ehelka iyo qaraabadana Samir iyo iimaan haka siiyo asaga iyo inta Ku geeriyootay qaraxii Ka dhacay magaalada Baydhabo sidoo kalena waxaan Eebe u waydiinayaa in uu u booga dhayo Umadda kale ee wax yeelada ka soo gaartey” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in xooga la saaro sidii la isaga xorreyn lahaa Al-shabaab oo ka dambaysay mas’uuliyadda qaraxa , wasiirka marka laga tago waxaa qaraxa waxyeello kasoo gaartay in ka badan 10 ruux oo isugu jiro ciidan iyo dad shacab ah.
Goobjoog News