U bood dhigaalka

Dowladda Federalka Oo Ka Hadashay Wixii u Qabsoomay Todobaadkii Tagay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyey dad fara badan, Xafiisyada Ciidanka Cirka oo xariga laga jaray, Horumar laga sameeyey Maamul u sameynta GalMudug, Hay’adaha Amniga oo hirgeliyey qorshaha Xasilinta Dalka, Beledweyne oo deeq raashin ah la gaarsiiyey, Baarlamaanka oo wada la xisaabtanka Wasaaradaha Dowladda, Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Shaqo-abuurista dhalinyarada, Waddooyinka Hiiraan iyo Bakool oo dib loo furay, Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo si buuxda ula wareegay Leego, Deeq Dawo oo la gaarsiiyey Isbitaalka Cadaado iyo Jabuuti oo qalab beero ugu deeqday beeraleyda Hiiraan.

Gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyey dad fara badan

Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba ku howlaneed sidii hay’adaha gar-gaarka looga dhaadhicin lahaa inay taageeraan dadka tabaaleysan ee dalka gudihiisa ku nool, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan. Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka duuleysa codisga Dowladda Federaalka ayaa Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ay 1dii July 2015 deeq afurin ah oo ka kooban raashin biseyl ah oo ay ugu tala gashay qoysas badan oo ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ka qeybisay Muqdisho oo ay ka faa’iideysteen qoysas badan. Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa kafaalad qaaday afurinta in ku dhaw 50,000 (konton kun oo qof), kuwaasi oo ku dhaqan degmooyinka gobolka, isla markaana deeq kale u qeybin doonaan waalidiinta aan carruurta xilliyada cidda dharka u iibin Karin. Guddoomiyaha degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxow oo ka mahad celiay deeqda afurinta ee la soo gaarsiiyay degmadiisa ayaa xusay inay gaarsiiyeen caa’ilooyinka ugu liita ee degmada ku nool, is lamarkaana afurinta ay ku soo beegantay waqti loo baahnaa. Qoysaskii ka faa’ideystay raashinka bisil ee afurinta ah ayaa uga mahad celiyay kaalmooyinka ay mar waliba la garab taaganyihiin hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta dadka ku tabaaleysan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xafiisyada Ciidanka Cirka oo xariga laga jaray

Dowladda Federaalka oo in muddo ahba mudnaan siineysay sidii hay’adihii Dowliga ahaa u hirgeli lahaayeen, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini uu 1dii July 2015 xariga ka jaray dhisme cusub oo uu yeelanayo ciidanka Cirka Soomaaliya oo laga dhisay xarunta afisiyooni, kuwaas oo dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyey. Waxaana xafiisyadani ay qayb ka yihiin qorshaha dib loogu dhisayo ciidanka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Biloote” iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali, ayaa sheegay dhismaha xafiisyada cusub in ay gacan ka siiyeen dowladda Imaaraadka Carabta, sidoo kalana dhinacooda ay bixiyeen qayb kamid ah qarashka, isagoo xusay dhismaha xafiisyadan in ay door ka qaadan doonaan horumarinta iyo shaqada ciidanka Cirka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigu ay gacan buuxda ka gaysan doonto sidii mar-kale ay cagahooda isugu taagi lahaayeen Ciidanka Cirka oo ah qayb muhiim ah. Wasiirka ayaa xusay qayb walba oo kamid ah ciidamadda Xoogga dalka in ay heli doonaan adeegyadii ay ku howgali lahaayeen, dowladduna ay ku howlan tahay sidii arrimahaas oo dhan u noqon lahaayeen kuwa taaba gala.

Horumar laga sameeyey Maamul u sameynta GalMudug

Baarlamaanka cusub ee Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa 29kii June 2015 ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha GalMudug oo maanta oo bishu tahay 4ta July 2015 ka dhici doonta Cadaado. Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka GalMudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 77 Xildhibaan, waxaana uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, oo ah 73 Xildhibaan, halka Xildhibaan uu diiday, waxaana ka aamustay sedex mudane. Guddiga doorashada Madaxweynaha GalMudug ee la magacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo leh Guddoomiye iyo Xogheyn sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Baarlamaanka GalMudug. 27kii June 2015 ayaa Baarlamaanka GalMudug uu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeeno. Dardargelinta dhaqangelinta Federaalka ayaa ah ahmiyada koowaad ee Dowladda Federaalka, tanoo muhiim ah hiigsiga 2016ka.

Hay’adaha Amniga oo hirgeliyey qorshaha Xasilinta Dalka

Hay’adaha Amniga oo bisha Ramadaan waday howlgalo lagu xoojinayo amniga ayaa waxey ku guuleysteen inay si fiican u dhaqangeliyaan qorshaha Xasilinta Dalka oo goobo badan ka sameeyey howlgallo, isla markaasna aad u adkeeyey amniga caasimada Dalka ee Muqdisho iyo gobollada qaarkood. Ciidamada Hay’ada Nabadsugida ayaa si gaar ah 29kii June 2015 uga howlgalay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, howlgaladaas oo isagu jira baaritaano amniga muqdisho lagu adkeynayo iyo afurin ay u sameynayeen dadka degan xafadaha degmooyinka ay ka howlgalayeen. Degmooyinka sida gaarka ah ay uga howlgaleen ciidamada Amniga ayaa waxa ka mid ahaa degamada Xamar Weyne, Hodan, Howl-Wadaag, Warta Nabadda, isgoysyada Taribuunka iyo wadada Maka Al-Mukarama. Bisha Ramadaan ayey Hay’adaha Amnigu ku guuleysteen inay xakameeyaan qaraxyada iyo dhibka ay kooxaha nabad-diidka ah u geystaan shacabka.

Beledweyne oo deeq raashin ah la gaarsiiyey

Dowladda Federaalka ayaa aad iyo aad ugu faraxsan sida ay Saldanada Dalka Cumaan u aqbashay codsigii Dowladda oo ay dalka Soomaaliya soo gaarsiiyeen deeq raashin ah oo ay ugu talo-galeen dadka tabaaleysan. 29kii June 2015 ayaa Saldanada Cumaan waxey in ka badan 300 qoys oo danyar ah ay ka faa’ideeysteen deeq raashiin ah oo ay dowladda Cumaan ugu talagashay qosaska danyarta ah ee ku nool magaalada Beladweyne. Deeqdan ayaa ka koobneyd Bur, Bariis, Timir iyo Saliid, iyadoo qeybinta deeqda ay u dhacday si nabad ah. Qaar ka mid ah qoysaskii raashinka la gaarsiiyay ayaa uga mahadceliyey Dowladda Cumaan taageerada walaaltinimo oo ay lagarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay daashadeen abaaraha iyo dagaaladdaj. Guddoomiyaha degmada Beledweyn Macalin Cismaan Cabdi Qalafoow ayaa sheegay in raashiinkan ay u qeybiyeen qoosaska danyarta ah, waxaana uu xusay in ay jiraan qoysas kale oo aad ugu baahan in lagaarsiiyo deeqahan oo kale oo aad u dhibaateysan. Dowladda Cumaan waxa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana tani ay muujineysaa taageerada ay u hurayaaan walaalahooda Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in deeqdan raashiinka ah laga qeybiyay maalmihii lasoo dhaafay xaafada magaalada Baledweyne.

Baarlamaanka oo wada la xisaabtanka Wasaaradaha Dowladda

Kulan uu Baarlamanka Soomaaliya yeeshay 29kii June 2015 ayaa waxaa horyimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo Golaha siiyey warbixino isla markaana uga jawaabay su’aalo la xiriira magacaabista guddiyadda madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Xaduudaha iyo Federaalka. Labadan guddi oo ka kooban min 9 xubnood ayaa horey Golaha Wasiiradu u meel mariyeen. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan Guddiyadan oo muhiim u ah hiigsiga 2016, isla markaasna sheegay in Wasaarada ay soo marisay shaqsiyaadkaas tartan furan oo ay yihiin kuwo laga soo baaraandegey. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in wasaaraddu markii ay xuleysay gudiyada ay ka baafisay warbaahinta isla markaana ay u saareen Gudi kala saara dhamaan dadkii araajida soo gudbiyay. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa xildhibaanada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen. Guddiyadda Dastuuriga ah ee Madaxa-banaan ee doorashoooyinka Qaranka iyo Xaduudaha & Federalka ayaa laf-dhabar u ah hirgalinta hiigsiga 2016 ka maadaama ay yihin kuwa qaabeeya doorashada lagu wado in la qabto marka uu dhamaado waqtiga dowladdan hadda jirta. Kulanka ayaa waxaa soo xirey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” isagoo kulanka maantana shir gudoominayay. Sidoo kale Baarlamaanka ayaa su’aalo weydiiyey Wasiirka Maaliyadda oo ku aadan qorshaha maamulka iyo maareynta Maaliyadda dalka oo si heer sare ah u socota.

Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Shaqo-abuurista dhalinyarada

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Shaqada ayaa 29kii June 2015 soo xiray ilaa 150 dhalinyaro ah tababar xirfado shaqo abuuris ah oo mudo bilo ah qaadanayay. Tababarkan ayaa ahaa mid ay ku baranayeen xirfado ay ku shaqeystaan mustaqbalka, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Japan isla markaana la soo marsiiyay ururka ILO iyo Modern Management. C/laahi Xuseen Maxamed oo ku hadlayay magaca hay’ada barnaamijkan qabatay ayaa sheegay in tababarkan uu ka koobnaa waxyaabo badan oo ay ka faa’idi karaan dhalinyaradii ka qeybgashay sida farsamada gaadiidka iyo kuwo kale. Daahir C/laahi Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa muujiyaay ahmiyada ay leedahay fursadaha shaqo abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo ka hadlayay munaasabada ayaa dhiiri geliyay tababarada nuucaan ah oo dhalinyarada isla markaana shaqo loogu abuurayo. Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa jiray dadaalo xirfado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarada oo in mudo ah haysatay shaqo la’aan.

Waddooyinka Hiiraan iyo Bakool oo dib loo furay

Ciidammadda Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybtooda kusugan Gobollada Baay iyo Bakool ayaa 29kii June 2015 ku guuleystay in ay dib isugu furan wadooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Bakool. Waddooyinka ciidammaddu ay dib u fureen ayaa horay u ahaa kuwo xiran. Ciidammadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa wada qorshayaal kale oo dib loogu furayo waddooyin kale oo muhiim ah iskuna xira Gobollada Baay iyo Bakool.

Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo si buuxda ula wareegay Leego

Ciidammadda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa 29kii June 2015 dib ula wareegay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siddii) ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay deegaanka Leego oo uu sheegay inay tahay guul laga gaaray kooxaha nabad-diidka ah. Dhinaca kale Guddoomiye “Siidii” ayaa sheegay in kooxda UGUS lagasaaray deegaannada ku dhow-dhow Leego, isagoo shacabka ku nool deeganka Leego ka codsaday in ay ciidammadda kala shaqeeyaan xaqiijinta ammaanka.

Deeq Dawo oo la gaarsiiyey Isbitaalka Cadaado

Wasiiradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa 28kii June 2015 waxa ay ku wareejisay maamulka Isbitalka dhexe ee degmada Cadaado deeq Dawa ah oo gaaraysa 160-kartoon oo nuucyo kala duwan ah, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Bulshada Ximan iyo Xeeb, iyo xoghayaha caafimaadka maamulkaas. Agaasimaha guud ee Isbitalka Dr Maxamed Cumar Yuusuf ayaa sheegay in dawadan ay ku soo aaday waqti Isbitaalka dawa yari ka jirtay, isagoo xusay in 25-sano ka dib Xaawa ay noqotay wasiiraddii caafimaadka ee Isbitalkan kaalmo keenta. Dr Maxamed ayaa intaa ku daray in deeqdan dawada ah ay kaga farxad badantahay dawooyinkii ay ka heli jireen Hay’adaha marka la eego xagga tayada iyo tiradaba. Wasiirka Arrimaha Bulshada Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa ka mahadceliyay kaalmada dawada ah ee wasaaradda caafimaadku soo gaarsiisay, waxaana u sheegay in kaalmadan ay wax ka taridoonto baahiyaha caafimaadka deegaanka. Wasiirada Caafimaadka ayaa kormeertay qaybaha uu ka koobanyahay Isbitalka Cadaado, sida qaybaha bukaan jiifka, Qaybaha Carruurta iyo Haweenka, iyadoo sheegtay in wasaaraddu ay wado qorsheyaal lagu hormarinayo adeegga caafimaadka gobolada dalka.

Jabuuti oo qalab beero ugu deeqday beeraleyda Hiiraan

Dowladda Jabuuti ayaa qalab beeraha ah oo ay ugu deeqday beeraleyda gobolka Hiiraan ayaa 28kii June 2015 waxay ku wareejisay maamulka Gobolka Hiiraan, taasi oo dhiira galin u ah beeraleyda ku dhaqan Gobolka Hiiraan. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa qalabkani beeraha lagu qoto ku wareejisay maamulka gobolka, iyadoo halkaasi ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan gobolkaasi, waxaana kaalmada ay ugu deeqeen Beeraleydaasi ay ku soo aaday xili ay Walaalaha Jabuuti ay u dabaal dagayeen 38 guuradii ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti. Waxaa qalabka guddoomey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana qalabka ku wareejiyey taliyaha ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dubbad. Qalabka ayaa isugu jirey gaadiidka cagaf cagaf ah ee lagu carrogadiyo beeraha iyo waliba qalab kale oo beeraha lagu qodo. Saraakiisha Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in qalabkani looga gol leeyahay in kor loogu qaado wax soo saarka beeraha dadka ee Hiiraan.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]