U bood dhigaalka

Finland oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in aan la dilin Soomaali haysta dhalashada dalkaasi

Sheeko:Dalka

Sida ay faafisey warbaahinta Qaranka Finland laguna magacaabo Yle Uutiset dowladda Finland ayaa sheegtey in ay ku dadaalayso sidii nin Soomaali ah oo degenaanshaha dalkaasi heysta looga baajin lahaa in lagu fuliyo xukun dil ah oo horey loogu ridey kadib markii uu masaajid ku dhexdiley wiil arday jaamacadeed.

Sargaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada Finland oo lagu magacaabo Teemu Rurunen ayaa sheegey in arrinta xukunka dilka ay kaliya maqleen jimcihii lasoo dhaafay, wixii ka dambeeyeyna waxa ay xiriir la sameeyeen dowladda Soomaaliya , iyagoo isku dayaya in ay baajiyaan in xukunka dilka lagu fuliyo ninka Soomaaliga ah ee ka yimid dalkaasi Finland.

“Dowladda Finland dareen adag ayay ka qabtaa xukunka dilka, si adag ayayna oga soo horjeedaa, marnaba ma aqbalayno in tani ay dhacdo, waxaanan samaynaynaa wax kasta oo suurogal ah in aan baajino dilkani” ayuu yiri Teemu Rurunen.

Wuxuu intaasi ku daray in hadda ay fursad jirto maadaamaa racfaan uu ninkani ka qaatay xukunka dilka, rafcaankaasina ay ku dadaali karaan in lagu guuleysto.

Wasaaradda arrimaha dibada Finland waxa ay sheegtey in xogta ay ka heshey dacwada loo heysto ninka Soomaaliga ah ay tahay xog is khilaafsan.

Ninka Soomaaliga ah ee dilka lagu xukumey ayaa waxaa lagu magacaabaa Siciid Xaaji Xuseen waxaana loo xukumey dil loo geystey Axmed Cabdi Cosoble oo la diley 13-kii Oktoober, 2014-kii masaajid ku yaala xaafadda Arjentine ee degmada Kaaraan.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa xukunka dilka ah ridey todobaad ka hor.

Wasaaradda arrimaha dibada Finland ayaa waxa ay sheegtey in Siciid Xaaji uusan ahayn muwaadhin heysta dhalashada Finland balse uu yahay qof degenaansho rasmi ah heysta, taasina ay siineyso xuquuq ah in dowladda Finland ay u doodo.

Goobjoog News