U bood dhigaalka

Dowladda Finland Oo Xukun Ku Riday Dad Ku Eedeysan In Dhaqaalo Ay Siiyeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

MaxkamadMaxkamada ku taala dalka Finland ayaa xukun xarig ah ku riday 4 nin oo ay ku eedeysay iney taageero dhaqaale u fidinayeen Ururuka Al-shabaab oo xiriir dhaw la leh ururka Al-qaacida, waxaana maxkamadu ay sheegtay in xukunkani uu noqonayo midkii ugu horreeyey ee dhawaanahan lagu qaado koox lagu eedeyey iney ururada argagixisada ah gacan saar la leeyihiin.

Maxkamadu waxay sheegtay in 4-ta nin ay u direen kooxaha ka dagaalama Soomaaliya lacag tiradeedu dhan tahay 4,800 oo dollar intii u dhaxeeysay 2008 illaa 2011kii.

Maxkamadu waxa ay intaasi ku dartay in kooxdani ay muddo dagaal kula jirtay dowlada Soomaaliya ee caalamku taageero waxayna ku qaadeen weeraro dhimasho badan sababay si ay u afgambiyaan, waxaana maxkamada ay sidoo kale tilmaantay in kooxdani ay dhibaato badan ka geysteen dalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya.

Seddex ka mid ah raggaan la soo eedeeyey ayaa maxkamadu ku riday xukun xabsi ah oo gaaraya Seddex bilood, Afarta nin ayaa horay usoo qaatay xarig illaa 7 bil ah intii lagu guda jiray baaritaanka dambiga lagu soo eedeeyey waxaana maxkamadu ay sheegtay in taageerada maaliyadeed ay u dheertahay iney kooxda u qoraan dadka si ay uga qeyb –noqdaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

4 nin ee aan la shaacin dhalashadooda ayaa iska fogeeyey dhammaan eedeymaha maxkamadu usoo jeedisay waxayna sheegeen iney lacagta ay direen ay tahay mid ay doonayeen iney ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku haysato dalka gudahiisa.

Xarakada Al-shabaab ayaa horey u sheegatay iney ka dambeysay weerarkii dhimashada badan sababay ee ka dhacay Westgate ee dalka Kenya Sanadkii 2013 kaasoo ay ku naf waayeen dad tiradooda lagu sheegay 67 qof.

Hogaamiyahii xarakada ayaa waxaa duqeyn diyaaradeed ku dilay dowlada Mareykanka bishii September ee sanadkan dilkaas ayaa keenay in kooxdu ay qaado weeraro ay ku sheegtay iney ugu aargudeyso hogaamiyahoodii la dilay, weeraradaas ayaa badankood loo geystay ciidamada nabad illaalinta ee Amisom

In ka badan 10,000 oo qof oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Filand kuwaasoo badankood tagay dalka Filand Sagaashameeyadii markaas oo Somalia ay ka qarxeen dagaaladii sokeeye.

Goobjoog News