U bood dhigaalka

Dowladda Jarmalka Oo joojisay Mashruuc Garowe Loogu Dhisi Lahaa Isbitaal Weyn

Sheeko:Dalka

 Dowladda Germany ayaa joojisay mashruuc dib lagu dhisi lahaa Isbitaalkii guud ee magaalada Garoowe ee caasimadda Putnland, kaas oo dhismihiisa la qorsheynayay sanadkaan 2019ka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Putnland Dr, jaamac Faarax ayaa sheegay sababta ay dowladda Germany ula laabatay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Isbitaalka.

“ Waxaad ogtihiin in maalin dhaweyto uu Germany noo yimid oo Project in badan socday oo aheyd in Isbitaalkii magaalada dib loo dayactiro meelaha danbana laga dhiso qeybo cusub oo Isbitaalka lagu soo kordhiyo, markii ay noo yimaadeen waxa ay noo sheegeen in Isbitaalka sidii ay rabeen ayna u dhiseynin, waxa ayna nagu wargaliyeen maadaama dhismihii dhisnaa aadnan wax ku qabsanin dhismo ladhisaa inuu wax uu soo kordhinaayo uusan jirin”

 Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dowladda Jarmalku ay shuruud uga dhigtay dhismaha Isbitaalka in maamulku  uu ka shaqeysiiyo inta dhisan ayaguna ay ugu darayaan ka dib dhismaha cusub.

“ Haddii Isbitaalkii shaqaale ahaan annagu aan ka shaqeysiino dhismihii intii ay noo ogolaadeen aan dhisano waxa ay rajo ay ka muu jireen iney inta dhiman ay noogu darayaan, sidaa darteed annaga waxaa waajib nagu ah inaan taanada aan ka soo baxno oo Isbitaalkii aanagu ka shaqeysiino haddaan teena gabno cidina wax inagu tarimayso”

Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusan in wasaaradiisa ay ka go’antahay in Isbitaalkii uu shaqeeyo si dib loogu mashruuca dib u dhsna loogu sameeyo Isbitaalkii guud ee garowe.

Goobjoog News