U bood dhigaalka

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo Ku Hawlan Hagaajinta Bulaacadaha Xili Waddooyinka ay Biyo Fadhiyaan (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka

Roobab XamarKadib roobab mahiigaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa waxaa waddooyinkii muhiimka ahaa ee magaalada waxaa fadhiya biyo badan taasi oo saameyn xun ku yeelatay gaadiidka dadweynaha iyo isu socodka.

Sababta ugu weyn ee biyaha laamiga u fariisanayaan mar kasta oo ay roobabka da’aan ayaa ah in meelihii bilayaha ay ku qulquli lahaayeen, kana bixi lahaayeen aysan jirin, gaar ahaan bulaacadihii magaalada oo xiran.

Goobjoog ayaa arrintani wax ka weeydiisey Cabdicasiis Goodax Barre, agaasimaha nadaafadda gobolka Banaadir wuxuuna sheegey in ay ku hawlanyihiin hagaajinta bulaacadihii magaalada, maalmaha soo socdana ay wax ka qaban doonaan bulaacadaha xiran.

Waxa uu eedeyn u jeediyey dadka leh hoteelada magaalada oo uu sheegey in ay tuubooyin ku gooyeen bulaacadihii magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in arrinkaasi ay baaritaan ku hayaan, ciddii lagu helana talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Cabdicasiis ayaa sidoo kale sheegey in dhibaatada ugu weyn ay ka jirto inta u dhaxaysa Hoteel Naaso Hablood illaa dekeda halkaasi oo uu tilmaamay in boosaneerooyinkii ay banaanka yimaadeen, sababtuna tahay bulaacado xirmey.

Arrinka ku saabsan bulaacadaha ayaa aad muhiim u ah marka laga hadlayo magaalo dhawr malyan oo qof ay ku nooshahay, taasi oo hawlaheeda ganacsi iyo warshadahaba ay kor usii socdaan maalin kasta, haddii aanan hadda wax laga qabanina ay keeni karto dhibaato weyn.

Dhawaan injineerkii bulaacadaha dowladda hoose oo isagu ka yimid dibada si uu dalkiisa wax oga dhiso Cabdulaahi Cali Canshuur ayay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho, duqa magaalada Muqdisho Muungaab ayaa wacad ku maray in kooxahaasi lasoo qaban doono.

Canshuur

Injineerka la diley iyo shaqaalaha dowladda hoose ayaa ku mashquulsanaa dajinta naqshad iyo nidaam wanaagsan oo ay yeelato magaalada Muqdisho si wax looga qabto daadadka ay roobabka keenaan, loona maareeyo qashinka iyo qulqulka musqulaha.

In si wanaagsan loo maareeyo qashinka iyo wasaqda bini’aadamka ayaa waxa ay ka dhigantahay in caafimaad ay helaan dadka magaalada, kana badqabaan cuduro badan oo haleeli lahaa.

Dhageyso

 

Goobjoog News