U bood dhigaalka

Dowladda Hoose Oo Gaadiid Usoo Dirtey Dadka Ka Dhoofaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta gaadiid nooca dadweynaha ah usoo dirtay dadka doonaya iney ka dhoofaan magaalada Muqdisho oo waddooyinka ay ku xirmeen.

Wadada Makka Al-mukarrama iyo waddooyin kale waxaa saakay oo Talaado ah lagu arkayey Basas waaweyn oo qaadayey dadka ka dhoofaya Muqdisho ee raba iney tagaan garoonka Aadan Cadde.

Basaska ayaa dadka waxay geynayaan illaa halka laga raaco basaska kale ee tooska u tagaya garoonka Muqdisho, halkaa oo ku dhow Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka shaqaalaha ah ee shaqooyinkooda aanay maanta baaqan karin ayaa iyaguna sidan oo kale gaadiidka uga soo qaadayeen meelaha aysan kasoo luygeyn karin, iyaga oo hubin badan la marsiinayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in shacabka ka dhoofaya Muqdisho aysan walwal qabin oo laamiyada ay soo istaagaan si halkaasi basaska dowladda Hoose uga soo qaadaan.

Waa markii ugu  horreysay oo dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir fuliyo arrintan, sababtuna waxay tahay mararka sidan oo kale waddooyinka u xirmaan shacabka dhoofaya dhibaato badan ayeey u mari jireen iney gaaraan garoonka Aadan Cadde.

Goobjoog News