U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraad-ka Oo Labo Isbitaal Ka Furtay Somaliland

Sheeko:Amniga

Dolwadda Imaraadka Carabta ayaa goobo caafimaad ka furay deegano ka tirsan Soomaliya, Wefdi ka socda Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa Somaliland ka furtay laba Isbitaal oo qayb ka ah hawlaheeda bani’aadamnimo ee lagu hagaajinayo xaaladaha nololeed ee dadka danyarta ah kuwaas oo ku nool deegaano ka tirsan Maaamulka Soomaliland.

Kan 1-aad waxaa lagu magacaabaa Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan Hospital,” oo ku yaal magaalada Berbera, waqooyi-galbeed Soomaaliya, iyo kan 2-aad, waa isbitaal takhasusi ah waxaa uu gaar u yahay Haweenka, iyo daryeelka dhalaanka waxaana laga furay magaalada Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gudaha Somaliland.

Isbitaala-daan ayaa qeyb ka ah gar-gaarada bini aadanimo ee Imaaraadku siinaayo dadka saboolka kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qaraashaadka goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dadka ku nool Somaliland, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha caafimaad ee ka sii daraya adduunka ee laxiriira faafitaanka cudurka COVID-19 .

Isbitaalka Berbera waxaa daah furay Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, iyo Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan labada dhinac.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa kaga mahad celisay dowladda Imaaraadka mashruuca hirgalinta goobaha caafimaadka kuwaas oo kor loogu qaadaayo tayada bad0-qabka dad-weynaha. Waxaa la filayaa Isbitaaladu in ay yareeyaan xaddiga dhimashada dhalaanka iyo hooyooyinka.