U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka oo Deeq Caafimaad Soo Gaarsiisay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo sidday deeq caafimaad taas oo lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay qalabkaan caafimaad oo loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo kiisas gaaraya 60 laga diiwaan galiyay guud ahaan Soomaaliya.

Deeqdan ka timid dowladda Imaaraadka ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay soo diraan tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka Corona uu si tartiib tartiib ah ugu fidayo bulsha weynta Soomaaliyeed waxaana talooyin caafimaad loo jeediyay bulshada qeybaheeda kala duwan, iyada oo ay sidoo kale xusid mudan tahay in bandhow habeen dambe bilaabanaya ay soo rogeen taliska booliska.

Goobjoog News