U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka oo Markale Gargaar Soo Gaarsiisay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Imaaraad Carabta ayaa maanta waxaa ay garoonka Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho   kasoo dajisay garaaga Banii’aadamnimo, kaas oo loogu talogalay dadka ay abaartu ay  ku saamaysay  gudaha dalka.

Waxaana gargaarka ka guddoomay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax oo ka wakiil aheyd dowladda  Soomaaliya  iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha.

Safiirka dowladda Imraadka Carabta Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay gurmadka dowladdiisa ay ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay saameysay sida uu xusay Danjire Alcuthman.

Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha  Shukri Maxamuud Afrax oo dowladda guddoontay deeqda ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka sida ay uga qeyb qaadanayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Abaaraysan.

Tan iyo markii Ra’iisalwasaare XFS Rooble uu booqday dalka Imaaradka Carabta uuna dhaxalsuha dalkaas ka dalbaday in dowladdiisa ay ka qeyb qaadato gurmadka abaaraha waxaana Imaaraadku ay kasoo jawaabeen baaqii Ra’iisalwasaaraha.

Goobjoog News