U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo Heshiisyo Dhanka Shaaha iyo Ubaxa ah La Galeysa Dalka Kenya

Sheeko:War

Dowladda Ingrisiisk aayaa heshiisyo dhanka Shaaha iyo Ubaxa ah la galeysa dalka Kenya, kadib marka uu dhameystirmo tallaabooyika ugu dambeeyay ee Ingiriisku uga baxay Midowga Yurub oo hadda socda.

Nick Healy oo ah wakiilka sare ee gorgortanka ganacsi ee dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay iney hadda heleen xoriyad dhanka heshiisyada ah oo si ka habboon markii hore ay ula saxiixan karaan dowladda Kenya, kadib ka bixitaankii dalkiisa ee midowga Yurub.

Healy ayaa yiri, “Waxaan hadda jirin caqabaddii ka dhalatay xubinimada Midowga Yurub, hadda Ingiriisku waxa uu gargartankiisa u sameyn karaa sidii hore si ka wanaagsan, si aan ula galno heshiisyo dhanka ganacsiga beeraha ah oo faa’ido badan dowladda Kenya, kadib marka uu dhameys tirmaan tallaabooyinka ka bixitaanka Midowga Yurub, waxaan Kenya la geli doonnaa heshiisyo ganacsi oo cusub, gaar ahaan waxsoosaarka dhanka beeraha ee ay ka mid yihiin Shaaha iyo Ubaxa”.

Ganacsiga shaaha ee bariga Afrika ayaa tilmaamaya in Ingriisku uu yaay dowladda Saddexaad ee ugu weyn ee loo dhoofiyo shaaha, sandkii 2015 ayaa loo iibgeeyay 45 milyan Kiilo oo shaah ah dhanka bariga Afrika.

Goobjoog News