U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska waxay si qoto dheer uga muujisay walaac niyad xumo ah, xasilooni darada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Waxayna ugu baaqday dhinacyada is haya in lagu xaliyo khilaafka wada hadal.

ka dib markii baarlamaaka Soomaaliya la hor keenay mooshin codka kal soonida loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdweli Sheekh Axmed.

Afhayeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda ay ka walaac santahay dowladooda kacsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya, qatarna ay ku tahay hormarka Soomaaliya dibna ay u dhigeyso hormarkii siyaasadeed, amni iyo hormaradii kale.

Waxaa la heystay waqti gaaban si loo gaaro hiigsiga 2016 oo ay ku jirtay doorasho ka dhacda dalka, sidaa daraadeed waxaan dhamaan dhinacyada is haya ugu baaqeynaa iney ku xaliyaan khilaaf kooda nidaam siyaasadeed ayna xushmeeyaan nidaamka baarlaamanka, dhamantoodna ay ka shaqeeyaan danta soomaaliyeed.

In khilaaf uu dhaco xiligaan waa wax laga xumaado iyada oo usbuucyo ka harsan yihiin shirkii looga arinsan lahaa hormarada laga gaaray nidaamka new deal,  kaa oo ka dhici lahaa Copenhagen, halkaa oo Soomaalida iyo taageero yaashooda beesha caalamka ay ku kulmi la haayeen.

Dowladda UK waxay mar walba taageereysa hormarka siyaasaded, amni dhaqaale, midnimada iyo federaalka dowlada Soomaaliyeed.

Goobjoog News