U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska Oo Dalka Ka Furtay Xarun Lagu Tababaro Ciidamada Qaranka

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa xarun tababar uga furtay Soomaaliya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyadoo dalkaan ku yaalla Geeska Africa uu isku diyaarinayo sidii uu mas’uuliyadda amni ugala wareegi lahaa nabad ilaaliyaasha ka socda Midowga Africa.

Safaaradda dalka UK ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xaruntaan cusub ay ka caawin doonto Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed kobcinta awooddooda ciidan oo ay wax badan ka tari doonto xasilloonida iyo amniga waqtiga dheer ee dalka.

Goobtaan tababarka ee UK ay ka hirgelisay Soomaaliya ayaa ku taalla magaalada Baydhaba ee magaalo madaxda gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la dhibtooneysay dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo Islaamiyiin ah in ka badan 10 sano waxaana ka mid ah kooxahaas Xarrakada Alshabaab ee gacan-saarka la leh ururka AlQaeda. Dagaalladaan ayaa waxaa ku naf waayey tobannaan kun oo qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Iyadoo aysan jirin ciidan qalabeysan oo aan tababarreyn ayaa beesha caalamku gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dagaallada ka dhanka ah Islaamiyiinta. Dowladda Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa ka mid ah dalalka hawlgallada ka wada Soomaaliya.

Guulaha laga gaaray dagaalka dartood ayaa hay’adaha kala geddisan ee ammaanka oo ay ka mid yihiin Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) qorsheynayaan inay dib uga gurtaan ciidamadooda dalka ku yaalla Geeska Africa.

Ka bixitaanka ciidanka AMISOM dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay billaabato bisha October iyadoo ciidamadu ay si buuxda uga baxayaan Soomaaliya bisha December ee sannadka 2020 waxaana mas’uuliyadda lagu wareejin doonaa ciidamada Qaranka Soomaaliya.

CGTN