U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo ku Dhawaaqday Saddex Cisho oo Baroor Diiq ah

Sheeko:Caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay  3 maalmood oo baroor diiq ah in loo sameynayo dadkii ku geeriyooday rabshadihii dhacay inta lagu jiray xaflad diimeed lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Addis Ababa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 52 qof, iyadoo baroor diiqdaasi ay ka bilaabaneyso maanta oo Isniin ah.

Bayaan laga baahiyay idaacadda iyo telefishinka qaranka Itoobiya ayaa lagu shaaciyaya in baroor diiqdan loo sameynayo dadka ku waxyeelloobay dhacdadan; “Muwaadiniinta aan waxba galabsan ee noloshooda ku waayay rabshadaha ay ka dambeeyeen awoodaha ka soo horjeeda nabadda”, ayaa lagu sheegay bayaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ballan-qaaday in lala xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ahaa dilka 52 qof intii uu mudaaharaadku socday, isagoo diiday arrinka la isla dhex marayay ee ah in ciidamada ammaanku ay bilaabeen rasaas, taas oo keentay in ay dadkaasi ku waxyeeloobeen.

Kumanaan qof ayaa waxay ka qeybgalayeen xaflad diimeed aad u ballaaran oo loo yaqaanno ‘Aerisha’ , kaas oo sanad walba ka dhaca meel 40 Km u jirtay caasimadda Addis Ababa.

Sida ay wararku sheegayaan, dadka ayaa is buurtay kadib markii ciidamda Booliska oo goobta ka ag-dhawaa ay dadkii ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiisa, rasaasna ay dhanka hawada u fureen, arrintaa oo keentay in dadbadan ay waxyeello ka soo gaarto oo 52 qofna ay meesha ku geeriyoodaan iyadoo qof walbaaba uu isku dayay inuu naftiisa la baxsado.

Goobjoog News