U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya Oo Loogu Baaqay Iney Ciidankeeda Kala Baxdo Deegaannada Xuduudda Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Goobjoog News isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyin uu sheegay in ciidamada Itoobiya ku hayaan deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, gaar ahaan deegaannada Kaxandhaale iyo Dacdheer.

Waxa uu sheegay in xilligaa Itoobiya looga baahan yahay iney soo farageliyaan arrintan, islamarkaana shacabka deegaannadaasi laga dulqaado ciidankaan oo dhibbadan geystay.

“Waxay dadka inoo sheegeen inay soo barakiciyeen ciidanka Liyuu Boolis oo xiran shaar qabiil, waxay dowladdii Itoobiya ka dhaadhiciyeen waxyaabo aan jirin, shacabkii wey soo kala carareen, xoolahoodii xitaa wey kasoo tageen” ayuu yiri Falagle.

Dowladda Itoobiya ayuu ugu celceliyey baaqa ah in ay dib u eegto ciidanka Liyuu Boolis ee hadda ku sugan deegaannada dhaca xuduuda ee gobalka Galgaduud, ayna ogaato in waxa la dhibayo ay yihiin dad shacab ah.

“Dowladda Federaalka Itoobiya waxaan leeyahay dib u eega ciidankaan, oo soo farageliya, sidaan oo kale ayeey ciidankaan Liyuu Boolis deegaannada Somaliland dadka qaab qabiil ugu dileen xoolo badanna ay ku dhaceen”

Ugu dambeyn Axmed Shire Falagle ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug waxa uu ugu baaqay inay xiriir la sameeyaan dowladda Itoobiya oo ay kala hadlaan arrimahan jira.

Goobjoog News