U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee Dekedda Berbera

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya laguna magacaabo Meles Alem ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland kuna saabsan dekadda berbera uusan xiriir la laheyn xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Meles  ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay taageereyso Soomaaliya iyo Madax-banaanideeda!.

Afhayeenka oo wereysi gaar ah  Al-Jazeera ku siiyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ee Addis-Ababa ayaa tilmaamay in heshiiskan uu ku qotomo dhanka iskaashiga laba geesoodka ganacsiga iyo Logistics-ka oo qura.

Waxa uu intaasi ku daray Meles in Itoobiya ay dadaallo badan ku bixisay sidii loo heli lahaa danta ah Wadajirka Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid horumar weyn sameynaya, iyadoo booqashadii ugu dambeysay ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ahayd bishii la soo dhaafay ee April.

Taageerada Itoobiya Ay u fidiso Soomaaliya ayuu ka hadlay

Meles  waxa uu caddeeyay in Itoobiya ay dowladda Soomaaliy ka taageerto dhinacyo badan, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay kaalin weyn ku leedahay urur goboleedka IGAD, kaasi oo lagu xoojiyo deganaashaha Soomaaliya.

Meles  oo ka hadlayey taageerada Itoobiya ay siiso Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midawga Africa ay u hureen naftooda Soomaaliya iyada oo Itoobiya aan ka laheyn Soomaaliya wax Ajando siyaasadeed oo qarsoon.

Afhayeenka waxa uu caddeeyay in dalkiisa uu leeyahay dhaqaallo xooggan, isla markaana uu raadinayo dookhyo kala duwan uu u isticmaalo deked ahaan, waxa uu tilmaamay in ay Suudaan la galeen heshiisyo ku aaddan adeegsiga dekedda Port Sudan, sidoo kalena Jabuuti ay noqon doonto meesha ugu weyn ee Itoobiya ay wax kala soo degto kana dhoofsato.

Waxaa xusid mudan, in heshiiska saddex geesoodka ah ee dhowaan ay kala saxiideen DP World, Somaliland iyo Itoobiya, in saamiga loo qeybsadan sidan: DP World 51%, Somaliland 30%, halka Itoobiya ay helayso 19%. waxaana Itoobiya lagula heshiiyey in ay dhisto waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa dekadda Berbera.

Goobjoog News