U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Somaliland Kala Hadashay Adkeynta Amniga Xuduudda

Sheeko:Amniga

Saraakiil sare oo ka kala tirsan dowladda federalka iyo Itoobiya Somaliland ayaa kawada hadlay adkeynta amniga xuduudda Somaliland ay la wadaagto dalkaas, kadib kuland magaalada Hargeysa ku dhexmaray taliyaha ciidanka sindoonka Itoobiya ugu sareeyo Janeraal Buhane Kabede  iyo taliyaha guud ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani.

Labada dhinac ayaa siweyn uga wada hadlay xoojinta iyo iskaashiga dhanka ammaanka ee sugitaan dhulka xuduuda ee u dhaxeeya dowlad deegaanka Somaalida iyo Somaliland, kadib markii dhowaan Alshabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka kuwada dagaalameen xadka gobollada Koonfureed ay la wadaagaan dowlad deegaanka gaar ahaan Bokool iyo Hiiraan.

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka dowladda federaalka Itoobiya Janeraal Buhane Kabede ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Ciidamada Somaliland uu hoggaamniyay taliyaha guud ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani.sida ay u soo dhaweeyeen, isaga oo ballan qaaday inay xoojin doonaan wadashaqeynta Itoobiya  iiyo Somaliland .

Saraakiil sare oo ka tirsan  Sirdoonka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dhawaan sidoo kale tegay Magalaada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo dhowaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka Itoobiya, iyaga oo kulamo looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midow afrika ATMIS.

Goobjoog News