U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Mahadaay

Sheeko:Dalka

Dagaal ayaa ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalkani uu yimid markii koox hubeysan ay weerar ku ekeeyeen saldhigga degmadaasi oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye xigeenka degmada Mahadaay Saalax Xaaji oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu jiro balse ay wadaan baaritaanno ciidanka dowladda.

Baaritaannada kadib ayuu sheegay in faahfaahin buuxda ay ka bixin doonaan khasaaraha weerarka ka dhashay, isagoo ka gaabsaday tirada dhimatay iyo inta ka dhaawacantay ciidamada dowladda.

Dadka degaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo loo badinayo inay taabacsan yihiin Alshabaab ay mar qura weerar gaadma ah ku qaadeen saldhigga booliska Mahadaay.

Xaaladda degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa deggan maanta kadib weerarkii xalay halkaas Alshabaabku ay ku qaadeen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada