U bood dhigaalka

Dowladda iyo Beesha Caalamka oo Daahfurey Mashaariic Horumarineed

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqaha bixiya ayaa soo dhaweeyay saxiixa lixda Barnaamij ee Wadajirka ah oo loo Mari edoono Hannaanka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF), kaasoo Qayb ka ah Heshiiska Hiigsiga Cusub ee New Deal Compact.

Barnaamijyadan Waa kagu lagu Taageerayo Qorshaha Nabadaynta iyo Dhismaha Qaranka ee Hiigsiga Cusub iyo si loo gaaro yididiilooyinka waaweyn ee barnaamijka Higsiga 2016-ka ee dowladda Somalia, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo in la gaaro Natiijooyinka hanaanka dhisidda maamullada gobollada, dib u eegidda dastuurka, ku dhaqanka Sharciga, teegeeridda doorashooyinka, shaqa-abuurka dhalinyarada & hurumarinta tayada hay’adaha.

Sidoo kale, Barnaamijyadan ayaa gacan ka Geysanaya Kartida Shaqaalaha Rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleed, waxay xoojinayaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah. Wuxuuna taageeri doonaan Waxqabadka Barnaamijka Hiigsiga Dowladda ee 2016-ka, oo ay ka mid yihiin; Dhismaha Dowlad Goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hannaan doorasho oo Dimuquraadi ah.

Daah-furka barnaamijyadan oo ka mid ah Hanaanka Horumarinta iyo dib-u-dhiska Somalia (SDRF) wuxuu Muujinayaa sida adag ee ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay iyagoo Mideysan oo mid ah ka Wada-shaqeeyaan si loo Horumariyo Nolosha Haweenka, Ragga iyo Carruurta Soomaaliyeed.

“Kani waa heshiis muhiim ah oo xoojin doonaa hay’adaha dowladda, wuxuu guul weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Somalia iyo la-hawl-galayaasha Caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Cali Caynte.

Midowga Yurub, Waaxda Deeqaha ee Dowladda UK (DFID), Sweden, Norway, Denmark iyo Talyaaniga ayaa ballan-qaaday in ka badan 106-Milyan oo Doollar oo muddo Saddex sanno ah lagu wadayo barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh.

“Saxiixa Barnaamijyadan Cusub ee Wadajirka ah waa tallaabo weyn oo loo qaaday hir-gelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub. Wuxuuna noo saamaxayaa inaan si weyn u xoojino Dowladda Federaalka iyo inaan taageerno hawlaha muhiimadda gaarka ah u leh Dowladda Somalia,” ayuu yiri Madaxa Iskaashiga Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Daria Fané.

Barnaamijyadan oo ka kooban Lix Qaybood ayaa Waxaa Hoggaamineysa Dowladda FS; Waxaana fulinaya hay’adaha QM oo ay ka midka yihiin; FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM iyo UN Women.

Dhanka kale, Barnaamijyadan waxaa ka faa’iideysan doona dhammaan gobollada dalka oo ay ku jiraan Puntland iyo dowlad-goboleedyada dhawaan dhismay ee Federaalka Somalia Qaybta ka ah.

“Saxiixa barnaamijyadan cusub waxay ka Tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii tageerno hawlaha mudnaanta leh ee ay Somalidu hoggaanka u tahay, ayna iyagu leeyihiin,” ayuu yiri ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (DSRSG), Philippe Lazarrini.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Hadda waa inaan si Wadajir ah diiradda u saarnaa Dar-dargelinta Barnaamijyadan si Natiijooyin la Taaban karo loo Gaarsiiyo, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed loo horumariyo iyo in Barnaamijyada Wax-qabad loo bedelo, gaar ahaan Heerka ka hooseeya Federaalka.”

Ugu dambeyn, Barnaamijyadan ayaa ah Xuddunta Taageerada Qaramada Midoobay ay ku bixinayso Qorshe kala guurka ah oo ay Soomaaliya Hoggaamiso, isla markaana ah mid ay Soomaalina leedahay, laguna gaaro Nabad iyo Barwaaqo.

Goobjoog News