U bood dhigaalka

Dowladda iyo Midoowga Yurub oo Maanta Xariga Ka Jaray Iskuul Dib loo Dhisey (Sawirro + Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DSC_0690Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo wakiilka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa maanta xariga ka jaray iskuulkii 11-ka Janaayo ee degmada Cabdicasiis.

Dugsigani xariga laga jaray oo ah Hoose/ Dhexe ayaa waxaa durba biloowdey duruustii iskuulka, wuxuuna ka midyahay barnaamijka aada dugsiyada ee la doonayo in halka milyan ee ubadka Soomaaliyeed lagu geeyo goobaha waxbarashada.

Waxaa sidoo kale munaasabada xarig ka jarista joogey maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada.

Wuxuu ka mid noqonayaa iskuulaadka sida lacag la’aanta ah wax lagu barto oo si toos ah dowladda u hoostago.

Inta badan goobaha waxbarashada dalka ayaa ah kuwa gaar loo leeyahay, waxaana aad u yar waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay dowladda maamusho.

Dhageyso

Goobjoog News

 

DSC_0647 DSC_0652 DSC_0656 DSC_0662 DSC_0668 DSC_0689 DSC_0690 DSC_0691 DSC_0693 DSC_0750 DSC_0768