U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay kiisas cusub oo hor leh islamarkaana la xiriira caabuqa Coronavirus oo dalkaasi uu si darran u saameeyay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa xaqiijisay kiisas 9 ah oo la xiriira COVID-19 in ay diiwaan galiyeen waxaana sii kordhaysa tirade dadka uu soo ridanayo xannuunkaan ee gudaha dalkaasi.

Dalalka dhaca geeska Afrika ayaa waxaa kaalinta 1-aad uga jirta dowladda Jabuuti marka laga hadlayo tirade guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus.

Tirada guud ee la xaqiijiyay inay qabaan cudurka COVID-19 ee dalka jabuuti ayaa cagacageynaysa 1,008 kiis.

Goobjoog News