U bood dhigaalka

Dowladda Jibouti oo Ka Warbixisay Xirigga Duuliye Fu’aad Yuusuf iyo Sababta Ka Dambeysay

Sheeko:Amniga

Dowladda Jabouti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, oo u xiran dowladda oo maalmii tagay hadal heyntiisu ay qabsatay baraha bulshada, waxaana dowladdu ay sheegtay in warar been abuur ah laga soo tabiyey xaaladda uu ku sugan yahay duuliye Fu’aad.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri  “Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xarigga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gaboode. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa  sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sharraxay lix arrimood oo dowladda Jabuuti ay ku eedeysay Fu’aad, ayna ku sheegtay sababta uu u xiran yahay.

6-da qodob ayaa kala ah sida hoos ku xusan:-

  • Inuu isku dayay inuu diyaarad xado
  • Inuu diyaaraddaas burburiyay
  • Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya
  • Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa
  • Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo sameeyaan
  • Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sameeyay milatariga

Dowladda jabouti ayaa hadalka ka soo yeray waxaa uu noqonayaa hadalkii ugu horeeyey oo looga hadlay duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, iyadoo dhanka kale qareenka u doodayo uu sheegay in lagu tuntay xuquuqda dastuuriga ah ee uu leeyahay duuliyaha.

Goobjoog News