U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Fasax Qaran Ka Dhigtey Maalinta Ciiddul Fidriga

Sheeko:Dalka

War kusoo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda Kenya (Government Gazette) oo uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa lagu shaaciyey in maalinta 18-ka bishan June oo ah maalinta ay ku beegantahay ciidul fidriga ay tahay maalin fasax qaran.

Wasiirka ayaa sheegey in maalinta ciidda darteed looga dhigey maalin fasax, si dadka muslimiinta ah ay u helaan fursad ay ku ciideystaan, islamarkaasina reerahooda usoo booqdaan, una dabaaldagaan.

Muslimiin badan ayaa ka faa’iideysan doona maalintani fasaxa qaran maadaamaa ay ka nagaan doonaan shaqooyinka ay dowladda u hayaan, taasi badalkeedana ay qoyskooda la ciideysan doonaan.

Goobjoog News