U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Guul Ka Sheegatay Dagaalkii Ay Al-shabaab Kula Galeen J/hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in askarteeda ay dileen 21 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab kadib dagaallo ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ciidamada Kenya Col David Obonyo ayaa sheegay in kolonyo ciidamada Kenya ah kana tirsan howlgalka AMISOM ay wadada u galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab xilli ay ku wajahnaayeen degmada  Afmadow, halkaasi oo dagaal uu ku dhex maray iyaga iyo Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in dhankooda ay ka geeriyootay Labo Askari, sidoo kalena dhaawac uu kasoo gaaray Shan kale.

“Waxaan ka xunnahay in Labo askari ay naga geeriyooto, Shan kalena dhaawac naga soo gaaro” ayuu yiri Col Obonyo

Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalkii ay la galeen Al-shabaab ay ku qabsadeen 19 qoriga K-47, Seddax Baasuuke iyo Bistoolad waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab war ay dhanooda kasoo saareen dagaalladan waxay ku sheegeen in ay dileen 12-ka mid ah ciidamada Kenya, ay nolosha ku qabteen 2 askari, gaadiid dagaalna ay gubeen.

Dagaalkan u dhaxeeyay ciidanka Kenya iyo Al-shabaab ayaa gabal dhacii shalay wuxuu ka dhacay deegaanka Xayi oo qiyaastii 13-km u jirta degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose.

Goobjoog News