Dowladda Kenya oo Hawlgal Ciidan Ku Qaaday Keyn Lagu Tuhmayo Alshabaab

Dowladda Kenya ayaa biloowdey hawlgal ay ku sifeyneyso keyd lagu magacaabo Boni oo ku taala dalkaasi halkaasi oo la sheegey in ay ku dhuumaaleeysanayaan dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo falal amni daro ka geysta dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Kenya.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Joseph Nkaisserry (Joosef Keysaari) ayaa sheegey in hawlgalka lagu bartilmaameedsanayo illaa 13 tuulo oo ku kala yaala bariga degmada Lamu iyo degada ay Soomaalida degto ee Gaarisa, waxaana ka mid ah Holugho, Galmagala, Sangilu, Ijara, Bodhei, Milimani, Baurre, Basuba, Mangai, Malalani, Kiunga, Ishakani and Dar-es-Salaam Bord.

Dhamaan deegaanadani hawlgalka laga fulinayo waxaa qabanaya sharci gaar ah oo dhawaan kusoo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda Kenya ee tirsigiisu ahaa 93 ee 2-da bisha September 2015.

Waxaa hawlgalka ka qeybgalaya ciidamada militariga dalka Kenya iyo kuwa booliiska sida militariga loo tababaray.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtey in dagaalyahanada Alshabaab ay soo galeen keymatani Boni kadib markii lagu soo jabiyey gudaha dalka Soomaaliya, sidaasi darteedna ay tahay in laga saaro halkaasi.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW